U bood dhigaalka

Sudan: Ciidamada Oo Toogasho Ku Dilay Dad Banaanbax Dhigayay

Sheeko:Caalamka

Hal qof oo ah gabar 16 jir ayaa dhimatay kadib markii ciidamad aammaanka suudan ay madaxda xabad kaga dhufteen gelinkii dambe ee shalay, sida ay sheegeen ururka dhaqaatiirta magaalada Omdurman ee dalka Sudan.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday bartamaha magaalada Omdurman oo ay banaanbaxyo ka dhigayeen shacabka sudan.

Tobanaan kun oo qof ayaa  iskugu soo baxay banaanbaxyo ka dhacay caasimadda Khartoum iyo magaalooyinka kale ee  Omdurman iyo Bahri.

Ciidamada ammaanka ayaa riday rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dadka banaan baxa dhigayay.

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Khartoum iyo Bahri, ayaa iyagana sheegaya in toboneeyo dhalinyaro ah ay ciidamada toogtoon kuwaas oo ka qeyb galayay banaabaxa ka dhacayay waddooyinka.

Ra’iisul wasaare Hamdok ayaa heshiis la gaaray sarkaalka hogaaminayay afgambigii xukunka lagaga tuuray ee Abdel Fattah al-Burhan, isagoo dib xilka loogu soo celiyay si uu u hogaamiyo xukuumad rayid ah oo kumeel gaar ah.

Heshiiskan ayaa wajahaya mucaaradad uga imaanaya kooxaha dimuquraadiyadda u ololeeya oo dalbaday xukun rayid ah oo buuxa la siiyo ra’iisul wasaaraha.

Goobjoog News