U bood dhigaalka

Galmudug Oo Qabaneysa Doorashada Laba Kursi Oo Ka Mid Ah Kuraasta Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shaaciyay in ay beri oo arbaca ah qabanayaan doorashads laba kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee ku matalaya dowlad gobaleedka galmudug.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyay ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#24 iyo HOP#104.

Musharixiinta u taagan qabashada xilka labadaas kursi ayaa la sheegay in ay isdiiwaan geliyeen, sidoo kalana waxaa dhammaan la diyaariyay ergooyinkii dooran lahaa xildhibaanada.

Doorashada ayaa qabsoomeysa inta u dhaxeysa 9:00 am illa 6:00 pm ee beri.