U bood dhigaalka

Nooc Cusub Oo Carona Ah, Kana Halis Badan Midkii Hore Oo Laga Diiwaan Geliyay Dalal Badan

Sheeko:Caalamka

Hay’adda caafimaddka adduunka ee WHO ayaa shaacisay nooc cusub oo corovirus ah kaas oo loogu magac daray Omicron

WHO ayaa walaac ka muujisay noocan cusub ee xanuunka kaas oo la sheegay in uu ka khatar badan yahay noocyadi hore.

24 November ayeey aheyd markii ugu horeysay ee noocan lagu arko dalka koonfur afrika, balse xaaladda ayaa sii cuslaatay kadib markii laga diiwaan geliyay isbitaalada  Botswana, Belgium, Hong Kong iyo Israel kuma naan qof oo uu soo ritay.

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa shaaciyay in ay xirayaan duulimaadyada dibadda si looga hortago fayriskan cusub.

Uk ayaa durba amar ku bixisay in aysan dalkeeda soo gali karin dad ka imaaday dalalka Koonfur Afrika, Namibia, Zimbabwe, Botswana, Lesotho iyo Eswatini, haddii aysan aheyn muwaadiniinta boqortooyada.

WHO waxay sheegtay inay qaadan doonto dhowr toddobaad si loo fahmo saameynta kala duwanaanshahan cusub, maadaama saynisyahannadu ay ka shaqeeyeen inay go’aamiyaan sida la isugu gudbin karo.

Goobjoog News