U bood dhigaalka

Maxaa Ka Soo Baxay Kulanka Rooble iyo Midawga Musharixiinta?

Sheeko:Amniga

Waxaa soo gabagaboobay kulan saacado badan hoyga uu dagan yahay ra’iisul wasaaraha uga socda Midawga Musharixiinta iyo ra’iisul wasaare rooble.

Kulankan oo ay goobjoog yihiin madaxweynayaashi hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, Sheikh Shariif iyo Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan golaha midawga musharixiinta.

Shirka ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka golaha shacabka ee dalka ka socda, kuwaas oo midawga musharixiinta ay walaac xooggan ka muujinayaan sida uu Rooble u maamulayo doorashooyinka golaha shacabka.

Kulanka ayaa leysla meel dhigay in ra’iisul wasaaraha uu kulun isugu yeero madaxda golaha wadatashiga qaranka, si loo xaliyo dhamaan tabashooyinka Mucaaradka.

Ra’iisul wasaaraha aya sidoo kale u balan qaaday mucaaradka in doorashooyinka uu ku dadaalayo in si nabdoon oo xor iyo xalaal ah ku dhacaan.

“Rooble isaga oo tixgalinaya tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka  ee ay muujiyeen Midowga Musharaxiinta ,dareenka shacabka Soomaaliyeed  iyo Bulshada Caalamka ayaa waxa uu ballan qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Ra’iisul wasaare Rooble.

Goobjoog News