U bood dhigaalka

Taliban Oo Weerar Kuqaaday Iiraan

Sheeko:Amniga

warbaahinta Afgaanistaan ​​ayaa ku waramaysa in iska hor imaad la isku adeegsaday hubka culculus uu ka qarxay xadka u dhaxeeya Afgaanistaan ​​iyo Iiraan kaa oo u dhaxeeya dagaalyahanada Taalibaan iyo ciidamada ilaalada xuduudaha ee Iran.

Wakaaladda “Aamaj News” ee Afgaanistaan ​​ayaa sheegtay in iska horimaadyo hubeysan oo xooggan ay ka socdaan degmada Kang ee gobolka Nimroz ee waqooyiga Afghanistan, halkaas oo “Taliban” ay ka dalbadeen dadka deegaanka inay ka baxaan guryahooda.

Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in taalibaan ay haatan jiida hore ay ku daad guraynayaan gaadiidka gaashaaman oo ay ku jiraan kuwa ay kaga tageen ciidamada Maraykanka ee ka baxay Afgaanistaan, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale warbaahinta maxalliga ah ayaa tabaniya ina Taliban ay la wareegtay baro koontarool oo ay ku suganayeen ciidmaada iran waxana laguu faafiyay baraha bulshada muqaalo muujina arinkaasi, weli labada dhinac war kama aysan soo saari dagaalka.

GOOBJOOG NEWS