U bood dhigaalka

Waa Kuma Xildhibaanada Hadda Ku Fadhiya Kuraasta Doorashadooda La Shaaciyay?

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobalada Waqoyi ayaa shaaciyay in ay qabanayaan maalmaha soo socda doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Kuraasta la dooranayo maalmaha soo aaddan ayaakala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#201, HOP#209, HOP#211, HOP#257, HOP#260, HOP#37, HOP#262, HOP#264, HOP#242, HOP#229, HOP#270, HOP#271, HOP#236, HOP#244, HOP#255 iyo HOP#254.

Hadaba Goobjoog NEWS Waxa ay idinla wadaageysa kuraastan doorashadooda la shaaciyay xildhibaanadii ku fadhiyay baarlamanka 10-aad ee waqtigiisu uu dhamaada.

HOP#201:  waxaa kursigaan afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Ducale Bayle oo ah wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Farmaajo.

HOP#209:  waxaa kursigaan afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble.

HOP211:  Kursigaan ayaa isna waxaa gobalada waqooyi baarlamaanki 10-aad ku matalayay xildhibaan Caasho-koos Maxamed Cumar.

HOP#257:  Waxaa kursigaan ku fadhiyay afarti sano ee la soo dhaafay Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali Axmed.

HOP#260: Kursigaan ayaa isna waxaa gobalada waqooyi baarlamaanki 10-aad ku matalayay xildhibaan Faadumo Odawaa Raage.

HOP#37: Kursigaan ayaa isna waxaa gobalada waqooyi baarlamaanki 10-aad ku matalayay xildhibaan Huda Axmed Cali.

HOP#262:  waxaa kursigaan afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Fowziya Yusuf Xaaji Aadan.

HOP#264: Waxaa kursigaan afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabdifitaax Ismaacil Daahir.

 HOP#242 : Kursigaan ayaa isna waxaa gobalada waqooyi baarlamaanki 10-aad ku matalayay xildhibaan Faadumo Ismaacil Xuseen.

HOP#229: Kursigaan ayaa isna waxaa gobalada waqooyi baarlamaanki 10-aad ku matalayay xildhibaan Cabdullahi Cusmaan Ducale.

HOP#270: Waxaa kursigaan afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Zakariye Xuseen Caarre.

HOP#271: Waxaa kursigaan afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye.

HOP#236: Waxaa kursigaan isna afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cadnaan Cusmaan Boqore.

HOP#244: Waxaa kursigaan afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayd.

HOP#255: Kursigaan ayaa isna waxaa gobalada waqooyi baarlamaanki 10-aad ku matalayay xildhibaan Axmed Maxamud Maxamed Dhego.

HOP#254: Kursigaan ayaa isna waxaa gobalada waqooyi baarlamaanki 10-aad ku matalayay xildhibaan Jaamac Maxamed Askar.

Somaliland ayaa ah maamulki ugu horeyay ee bilaaba doorashada golaha shacabka.

Goobjoog News