U bood dhigaalka

Akhriso: Khasaaro Ka Dhashay Weerar Al-shabaab Ay Ku Qaadeen Baladweyne

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xilli dambe gudaha magaalada dagaal uu ku dhex maray ciidamada dowladda iyo Ururka Al-shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay saldhig ciidamada Jabuuti ku leeyihiin galbeedka magaalada Baladweyne.

Xubna ka tirsan ururka Al-shabaab oo hoobiyayaal ku soo tuuray magaalada ayaa lagu soo waramaya in ay ka dhasheen qasaaro Naf iyo maal ah.

Inta la xaqiijiyay laba dhalinyaro ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay hoobiye ku soo dhacay guri ay daganaayeen.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay iska caabiyeen al-shabaabki weerarka soo qaaday.

Goobjoog News