U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Kordhiyay Howlgalka La Dagaalkan Burcad Badeedka Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka qaramada midoobay ayaa kulan ay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya si gaar ah howlgalka la dagaalka burcad badeedka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kordhinayaan.

Kulanka oo uu Soomaaliya ku matalayay Danjire Abuukar Baalle ayaa looga hadlay sida laga yeelayo howlgalka la dagaalanka Burcad badeedka ee mudada dheer socoda.

Soomaaliya ayaa ku dooday in sanadihi la soo dhaafay aysan jirin wax dhac ah oo laga geeystay xeebaha dalka loona baahan yahay in Soomaaliya laga joojiyo howlgalkan.

Dalalka ciidamadooda ay ka joogan xeebaha Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in weli ay jirto khatarta iyo halista kooxa burcad badeedla ah.

Dood dheer kadib fadhiga ayaa lagu go’aamiyay in muddo sanad ah lagu daro howlgalka ladagaalanka burcad badeedka Soomaaliya.

Goobjoog News