U bood dhigaalka

Mareykanka iyo UK: Doorasho Lagu Shubto, Waxay Horseedi kartaa Qalalaaso

Sheeko:Amniga

Safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster iyo Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in doorasho lagu shubto, oo aan xalaal aheyn ay ka dhalan karto qalalaaso, iyaga oo ku baaqay iney dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah si looga fogaado dhibaato dagaalo.

Safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster oo ka jawaabeysay su’aal aanu ka weydiinay miyaaney aheyn halkii doorasho ha dhaco uun la dhihi lahaa in laga hadalo qabashada doorasho lagu kalsoonyahay si looga fogaado qalalaaso, ayaa waxaa ay ku jawaabtay “Haa, waa sax, waxaan rabnaa doorasho xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo oo si nabad ah ku dhacdo, labadaasina way wada socdaan, haddii aadan laheyn doorasho xalaal ah, waxaa hubaal ah iney qalalaaso ka dhalaneyso…ma dooneyno inaan aragno qalalaasihii dhacay horraantii sanadkan iyo barakicii kumanaanka ahaa oo ahaa wixii ka dhashay, beesha caalamka waxaay ka hadleen sida ay muhiim u tahay in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoon yahay.

Dhankeeda, Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge oo iyadana isna su’aashaas ka jawaabeysay waxaa ay tiri “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan in laga fogaado wax qalalaaso ah, ma jirto cid dooneysa iney aragto bilowgii sanadkan, sida ay safiir Kate sheegtay doorashada xalaasha ah waxay barbarsocotaa ka fogaanshihaya qalalaaso, waana sii wadeynaa inaan arriknaas xoojino”.

Labada safiir ayaa ka digay in doorashada lagu shubto taasina ay ka dhalan kato qalalaaso badan, oo keenta dagaal iyo barakac.

Goobjoog News