U bood dhigaalka

Mareykanka: Waxaan Dib-u-eegis Ku wadnaa Taageerada aan Siinno Danab

Sheeko:Amniga

Dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu dib u eegis dhan walba ah ku wado taageerada ay siiyaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab kuwaas oo dhowaan qeyb ka ahaa dagaalladii lagu qaaday Ahlu sunna ee ka dhacay Guriceel, Galmudug.

Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa sheegtay in aan Danab laga yeeli doonin iney taageerada Mareykanka u isticmaalaan falal ka dhan ah siyaasadda Mareykanka.

Colleen Crenwelge oo arrintaas ka hadleyso waxaa ay tiri “Dib u eegista la xiriirta taageerada aan siinno Danab waa mid socota, waxaan tababar iyo taageero kale siinnaa Danab si loo xaqiijiyo ujeedkeena aan wada wadaagno ee ah in la jabiyo Al-shabaab, waxaa xaqiijin doonaa in taageerada aan bixinno loo isticmaalo meeshii loogu talo-galay, oo isla markaana la jaanqaadi kara siyaasadda Mareykanka”.

Ciidamada Danab, ee Mareykanu biilaan ayaa loo daad-gureeyey Guriceel, qeybna ka noqday dagaal sababay iney barakacaan in ka badan 10 kun oo qof, horseedana xaalad banii’aadnimo oo aad u adag.

Goobjoog News