U bood dhigaalka

Muqdisho: Nin Xaakiisa U Dilay $25

Sheeko:Amniga

Qamar Cabdi Cumar oo ah haweeney dhashay 12 carruur ah ayaa xalay seygeeda uu ku dilay xaafad ka tirsan degmada Xamar Jajab.

Dilka ayaa yimid kadib muran ka dhashay lacag uu weydiistay i Qamar seygeeda balse ay u weysay, dilka ayaana loo adeegsaday Mindi (Toorey).

Lacagta gabadha loo dilay ayaa la sheegay in ay gaareysay illa iyo $25, taas oo uu weydiistay ninka xaaskiisa ka hor inta aan dilka dhicin.

Qaar ka mid ah waalidiinta allaah u naxariiste marxuumadda la dilay ayaa hay’adaha amniga ka codsaday in loo soo qabto ninkii ka dambeyay dilka.

Goobjoog News