U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Ka Horyimid Baaqa Isimada Puntland

Sheeko:Amniga

Maamulka Puntland ayaa ka horyimi baaq ka soo yeeray Isimada Puntland kuwaas oo shalay madaxweynaha ugu baaqay in qaar ka mid ah awoodda ciidamada PSF uu weli sii haayo agaasimihii PSF ee dhawaan xilka uu ka qaaday madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Deni ayaa ka horyimid baaqa Isimada kaas oo u ku sheegay in loo baahan yahay in Maxamuud Cismaan Diyaano uu si degdeg ah xilka ku wareejiyo.

Muranka hogaanka PSF oo soo bilawday dhamaadkii bishii hore ayaa cirka isku shareeray kadib markii ciidamada PSF-ta Puntland ay diideen in xilka laga qaado agaasimahooda Diyaano.

Goobjoog News