U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo TPLF Ka Qabsaday Magaalooyin Hor Leh

Sheeko:Amniga

Ciidamada Itoobiya ayaa shaaciyay in dagaallo ay saacadihi la soo dhaafay la galeen kooxda TPLF iyo xulafadeeda ay ku qabsadeen deegaanno muhiim ah oo ay jabhadda horay gacanta ugu haysay.

Saraakiil u hadashay ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in wadada xiriirisa magaalooyinka Waldiya iyo Maqale ay kala wareegeen jabhadda.

Waxaa sidoo kale ciidamadu la wareegeen dhamaan dhulalka ku hareereysan buuraha silsiladda ah ee Zoble  iyo magaalooyinka Orjo, Fokiso iyo Booran ee dalka kuwaas oo muddooyinkii la soo dhaafay fariisimo u ahaayeen ciidamada TPLF.

Wadada isku xirto Waldiya iyo Maqale  oo ay ciidamada la wareegeen ayaa la sheegay in ay saameyn ku yeelan doonto qorshaha dagaal ee TPLF, iyadoo wadadaas hakad gelin doonto in ay gurmad helaan ciidamada jabhadda ee ku sugan gobalka Amaxarada.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in dagaalka ay sii wadi doonaan sidoo kalena ay qorsheynayaan in ay u ruqaansadaan magaalada Gaashana.

Waxaa weli soconaya Dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadaan Maraykanka iyo Midowga Afrika oo lagu raadinayo xabbad joojin iyo wadahadal ayaa soo baxaya in labada dhinac ay xalka u soo dhawaanayaan.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa labada dhinac horay ugu eedeyay in ay geeysteen falal ka dhan ah bini’aadanimada oo ay ku jiraan Kufsi, jirdil iyo dilal aan loo meel dayin.

Tan iyo markii bishii November sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

Goobjoog News