U bood dhigaalka

Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Dib Loo Dhigay

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka golaha labada aqal ee Gobalada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in ay dib u dhigeen doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Afartan kursi oo lagu waday in saaka oo sabti ah lagu doorto magaalada muqdiso ayaa doorashadooda dib loo dhigay iyadoo la qabanayo maalinta axaadda ah.

Kuraasta dib loo dhigay ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, kuwas oo ay weli socoto xareynta ergooyinkooda.

“Waxaan ku war galinayna musharaxiinta u tartamayaa ku raastan in 19-Dec-2021 ay u soo diyaar garoobaan qabashada kuraastas” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Guddiga hirgelinta doorashooyinka golaha labada aqal ee Gobalada Waqooyi.

Goobjoog News