U bood dhigaalka

Akhriso: Shantii Afgambi Ee Sanadkaan Ka Dhacay Qaaradda Afrika

Sheeko:Amniga

Sanadkaan sii dhamaanaya ee 2021 waxa uu kamid noqday sanadaha taariikhda reebay kaas oo ay qaaradda Afrika ay wajahday afgambiyo fara badan kuwaas oo qaar ka mid ah dhiig ku daaday.

Hogaamiyayaasha afrika oo ah kuwa mar walba lagu xanto in ay yihiin dad damacooda siyaasi ku doona awoodda qoriga kana fog dhaqan gelinta dimoqoraadiyadda iyo federaaleynta bulshada dalalkooda, ayaa si baahsan sanadkan u soo shaac bixiyay sida ay markale u doonayaan in ay xalka ka dhigtaan awood.

Dalal dhaca galbeedka, koonfurta, waqooyiga iyo bariga afrika ayaa sanadkaan laga diiwaan geliyay afgambiyo militeri kuwaas oo qaar kood ay sameeyen ciidamo gadoodsan oo xilka ka tuuray hogaamiyayaal horay u joogay iyo kuwa uu dhamaaday muddo xileedkooda oo awood ciidan damcay in ay kursiga ku sii joogaan.

Hadaba waxa aan warbixintaan idiinkugu soo gudbineyna afgambiyada la diiwaan geliyay ee sanadkaan ka dhacay afrika.

Chad 

Dalkan oo dhaca bartamaha waqooyiga qaaradda afrika ahna dal caan ku ah macdanta iyo dhaymanka ayaa sanadkan ka soo muuqday liiska dalalka afgambiyada ay ka dhaceen ee afrika.

21 April, ayaa la dilay Idriss Déby oo ahaa madaxweynihii dalka chad kadib markii uu tagay furinta hore dagaal ciidama ka amar qaata ay kula jireen mucaaradkiisa.

Deby ayaa la toogtay xilli uu taagna furinta hore ee dagaalka, waxaana shacabka dalkaasi lama filaan ku noqotay geerida madaxweynahooda.

Mahamat Idriss Déby oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha la dilay ee Idriss, ayaa maalintii xigtay 22 April si degdeg ah u shaaciyay in uu la wareegay gacan ku heynta dalka Chad markaas oo uu xaalad deg deg ah dalka ku soo rogay.

Wiilka madaxweynaha la dilay ee Mahamat ayaa amray saraakiisha ciidamada in ay ka amara qaataan isaga kadib geerida aabihiis.

La wareegista xukunka Mahamat ayaa lagu tilmaamay afgambi qorsheysan, kadib markii mucaaradka ay ka hor yimaadeen in xukunka ay kala dhaxlaan qoyskaan.

Mucaaradka ayaa ku baaqay in xukunka uu la wareego guddoomiyaha baarlamaanka inta doorasha laga qabanayo balse Mahamat ayaaa ku gacan seeray isagoo kala diray baarlamaanka iyo xukuumaddii.

Chad ayaana waxaa illa hadda ka taliya Mahamat Idriss Déby oo sidoo kale qeyb ka ahaa ciidamada xoogga dalka Chad.

MALI

Dalkan oo dhaca galbeedka qaaradda afrika kana midka ah dalalka ay sida weyn uga dagaalamaan kooxa argagixisada ah ayaa markale sanadkaan wajahay afgambi ay xilka kaga tuureen ciidama uu horkacayo Generaal Assimi Goïta, kaas oo sanadkii hore 2020 afgambi ka sameyay dalkaas.

25 May, ciidamo ka amar qaata Assimi ayaa xabsiga u taxaabay ra’iisul wasaarihii iyo madaxweynihii dalka Mali, kadib markii askarigan uu ka hor yimid isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada dalka Mali.

Col Assimi Goïta ayaa sheegay in madaxweyne Bah Ndaw iyo PM Moctar Ouane ay ku guuldaraysteen shaqadoodii ayna doonayeen in ay waxyeeleeyaan isbadalka dalka.

Sarkaalkan ayaa labada mas’uul iyo xubno ka tirsan xuukuumada maali xabsiga dhigay saaco kadib isku shaandheynta, isagoo dalka kaga dhawaaqay xaalad deg deg ah.

Mali ayaa kamid ah dalalka Afrika ku yaalla ee inta badan ay ka dhacaan afgambiyada militeri waxaana xusid mudan in laba sana ku gadahood uu ka dhacay laba afgambi.

GUINEA

Dalkaan oo dhaca galbeed qaaradda afrika kana mid ah dalalka qaaradda ku yaalla ee hodanka ku ah dahabka ayaa sanadkan ka mid noqday dalalka ay qalalaasaha siyaaasadeed ee ka jira sababeen in uu ka dhaco afgambi.

5 September, waxaa afgambi uu dhiig ku daatay ka dhacay dalka Guinea kadib markii ciidama ka amar qaata sarkaalka da’da yar ee lagu magacaabo Col Mamady Doumbouya uu xukunkii ka tuuray madaxweynihii dalkaasi Alpha Conde.

Conde ayaa waaberigii hore ee 5 September, ciidamada gurigiisa ugu daateen kuna war geliyeen in uu is dhiibo markaas oo xabsi guri loo taxaabay.

Afgambigaan ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen intii uu socday dhaqan gelintiisa, waxaana markii dambe uu sarkaalka hogaaminayey ciidamada ku dhawaaqay in talada dalka uu kala wareegay madaxweyne Alpha Conde.

SUDAN

Dalkaan ayaa dhaca waqooyi bari ee qaaradda Afrika waxa uuna kamid yahay dalalka sida weyn ay ugu soo noq noqdaan afgambiyada militeri isagoo seddaxdii sano ee la soo dhaafay goobjoog u ahaa laba afgambi iyo mid fashilmay.

21 September, waxaa magaalada Khartoum iyo magaalooyinka kale ee dalka Sudan ka dhacay afgambi ay soo abaabuleen ciidamada militeriga dalkaas.

Afgambigan ayaa xilligaas xukuumadda Sudan ee uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Hamdouk ku sheegtay in ay fashiliyeen.

“Waxaa dhacay isku day afgambi oo dhicisoobay, dadku waa inay ka hortagaan,” ayuu yiri xilligaas afhayeenka dawladda Maxamed Al Faki Suleymaan.

Bil kadib 25 October, waxaa markale ka dhacay dalka Sudan Afgambi uu hogaaminayo Generaalka mayalka adag ee Abdel Fattah al-Burhan.

Afgambigan ayaa xukunka ooga tuuray ra;iisul wasaaraha suudan Abdalla Hamdok isagoo sheegay Generaalka in ay soo dhisayaan xukuumad wadaag ah waxaana markaas uu xabsi guri geliyay ra’iisul wasaare Hamdok iyo xubna ka tirsan golahiisa wasiirada.

“Waxaa na saaran waajib wadani ah inaan dadka hogaamino oo aan caawinno xilliga kala guurka ilaa doorasho laga qabanayo,” ayuu yiri xilligaas Abdel Fattah al-Burhan.

Isbuucya kadib heshiis iyo wadahadal dhex maray militeriga iyo ra’iisul wasaaraha ayaa xuriyadiisii loogu soo celiyay Hamdok iyo intii u xirneyd siyaasadda.

Sudan waa dalka kamid ah dalalka afrika ee ay kooxa hogaamiya siyaasadiisa xukunka ku doontaan afgambi, iyadoo xusid mudan tahay in xukunka xoog looga tuuray 2018 madaxweynihii mudada dheer xukumayay Bashar Al Asad.

SOMALIA

Dalka Soomaaliya oo dhaca bariga qaaradda afrika Hodanna ku ah qeyraad dabiici ah iyo dhul isteraateji ah ayaa sanadkaan markii ugu horeysay 52 sano kadib ka soo muuqday liiska dalalka afrika ee uu ka dhacay afgambiyada.

27 December, ciidamo ka amar qaata madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isku dayay in ay la wareegaan xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xafiisyada xubna ka tirsan golaha wasiirada, xilligaas oo lagu amray ciidamada in ay celiyaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo howl wadeenadiisa ayaa markii dambe ku guuleystay in ay gudaha u galaan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay fashiliyeen afgambi uu dalka ku soo qaaday madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday kaas oo uu doonayay in uu xukunka xoog ku sii joogo.

“Tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynihii hore waa isku day bareer ah oo lagu afgambiyo Dowladnimada, Dastuurka & Shuruucda Dalka, Farmaajo ka sokow in uu ku xadgubtay shuruucda Dalka waxa uu weerar bareer ah saakay kusoo qaaday Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha & Golaha Wasiirada si uu uga hor joogsado gudashada waajibaadka qaran” ayuu yiri RW Rooble.

Soomaaliya ayaa 21 October 1969, waxaa afgambi kula wareegay ciidama uu hor kacayo taliyihii ciidamada xoogga Gen Maxamed Siyaad Barre, waxa uuna xukunka haayay 21 sano markaas oo uu 1991 dalka bur bur galay.

Shantan dal ee ku yaalla qaaradda afrika ayaa sanadkaan laga diiwaan geliyay in ay ka dhaceen Afgambiyo hir galay iyo kuwa fashilmay.

WQ/ Abdirahman Sabriye 

Goobjoog News