U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Ku Hanjabay In Uu Cunaqabateynayo Siyaasiyiinta Hortaagan Doorashada Dalka

Sheeko:Amniga
Wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka ayaa ku hanjabtay in ay cunaqabateyn ku soo rogi doonto dadka daahinaya doorashooyinka soomaaliya.
Mareykanka ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay heshiiskii dahwaan ay gaareen madaxda golaha wadatashiga qaranka, kaas oo lagu go’aamiyay in 25-february lagu soo gabagabeynayo doorashooyinka golashacabka.
Afhayeenka wasaaraddaa arimaha dibadda mareykanka Ned Price ayaa sheegay in bayaankan ay mareykanka u direyso dhinacyada isku haya soomaaliya.

“Mareykanku waxa uu si gaar ah u eegayaa go’aanka 9kii Janaayo 2022 ee kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga qaran si loosoo gabagabeeyo Doorashooyinka waqtigeedu dheeraaday, waxa aan ugu baaqeynaa dhammaan Madaxda Dowlad-Goboleedyada & kuwa Federaalka in ay ilaaliyaan waqtiga cusub ee lagu heshiiyay, isla markaana ay saxaan khaladaadka Habraaca” ayuu yiri Ned Price.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateyno ku soo rogayaan shaqsiyaadka lagu tuhunsana yahay in doorashada ay xagal ka daacinayaan.

“Doorashada Soomaaliya hal sano ayey jadwalka dib ugu dhacday, February 8, waxaa uu hal sano u buuxsamayaa Term-ka madaxweynaha, Mareykanka waxaa ay diyaarinayaan qaabab laga maarmaan ah oo ay ku jirto xayiraadda fiisaha, oo ooga hortagayo dib u dhac kale iyo fal kasta oo meel uga dhacaya qiyamka hannaanka”.
” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka Ned Price.
Hadalkaan ayaa ku soo aadayo xilli Farmaajo  uu habeen ka hor jeediyay khudbad ay shaki geliyeen siyaasiyiinta qaar.
Goobjoog News