War kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in caasimadda Muqdisho uu yimid safiirkeeda cusub Ambassador Larry E. André, Jr iyada oo lagu wado inuu warqadaha aqoonsiga u gudbiyo madaxda dowladda federaalka ah.
Larry E. André oo ah diblomaasi khibrad weyn leh ayaa horay safiir uga soo noqday dalalka Djibouti iyo Mauritania, waxaa uu kale arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaa safaaradda Mareykanka ee Kenya muddadii u dhaxeysay 2006-2008, isaga oo ka qeyb galay shirar badan oo looga hadlayey dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaa uuna ahaa maskaxda ka dambeysay in la dhiso unug u gaar ah Soomaaliya, taas oo markii dambe noqotay hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.
Ambassador Larry E. André, Jr ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii isugu soo dhowyn lahaa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Ambassador André waxaa uu kasoo shaqeeyey dib u dhiska dagaalka kadib ee dalka iyo Chad iyo Senegal, waxaa uu Master of Business Administration (MBA) ka heystaa Arizona State University/Thunderbird School of Global Management (1988) halka B.A. ee xagga siyaasadda uu ka heysto Claremont McKenna College (1983), waxaa uu ku hadlaa French, waa xaasle, hal wiil leh.
Goobjoog News