Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay afar kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada Waqooyi ee Somaliland, kuwaas oo katirsan kuraasta golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee jamhuuriyadda federalka ah Soomaaliya.
1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#268 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Maxamed Cali Xagaa, kaas oo helay 98 cod, waxaana tartanka kursiga isaga haray musharrax Axmed Muumin Wehliye .
2 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 267 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan marwo Saynab Maxamed Caamir, waxaana 98 cod , kadib markii ay tanaasushay musharrax marwo Sucaado Muumin Meygaag .
3 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 236 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre, oo helay 99 cod oo gacantaag ah, kadib markii uu tartanka isaga tanaasulay musharrax Maxamed Cali .
4 : kursiga tirsigiisu yahayHOP# 269 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo helay 98 cod, waxaana tartanka tanaasulay musharrax Buuxo Maxamed Ismaaciil .
Afrataan kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa ay ka mid noqonayaan Baarlamaanka 11-aad ee Jamahuuriyadda federalka Soomaaliya oo la filaayo in doorashadiisa guud ahaan ay soo dhammaato 25 bishaan.
Goobjoog News


