U bood dhigaalka

Afar Kursi Oo Lagu Dooranayo Dhuusa-mareeb, Yaa U Tartamaya?

Sheeko:Amniga

Waxaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu qabto doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Galmudug.

Kuraastaa saaka la dooranayo ayaa kala kuraasta tirsigoodu yahay HOP#049, HOP#051, HOP#061 iyo HOP#139, kuwaas oo diyaar garowgoodii ugu dambeyay uu ka socdo afafka hore ee hoolka doorashada lagu qabanayo.

Waxaa maamula Galmudug afartii sano ee la soo dhaafay ugu fadhiyay kuraastaan xildhibaanada kala ah :

HOP#049: Waxaa dowlad gobaleedka Galmudug afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan baarlamaanka 10-aad ku matalayay xildhibaan Xil Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

HOP#051: Waxaa dowlad gobaleedka Galmudug afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan baarlamaanka 10-aad ku matalayay xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud Sheekh Cali.

HOP#061: Waxaa dowlad gobaleedka Galmudug afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan baarlamaanka 10-aad ku matalayay xildhibaan  Cabdiwali Maxamed Qanyare Afrax.

HOP#139: Waxaa dowlad gobaleedka Galmudug afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan baarlamaanka 10-aad ku matalayay xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed.

Waxaa hadda isku soo taaga kuraastaan oo u tartamaya musharixiin gaareysa 10 musharax kuras oo u taagan qabashada kuraastaan.

Musharixiinta isku soo sharaxay ayaa waxaa kamid ah :-

HOP#049: Waxa kursigaan isku soo taagay musharixiinta kala ah Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdullaahi Cali Guutaale, Jamiilo Cali Xayle iyo  Cabdinuur Ciise Xiirey.

HOP#051: Waxa kursigaan isku soo taagay musharixiinta kala ah  Xuseen Maxamed Nuur iyo Maxamed Geedi Cawaale.

HOP#061: Waxa kursigaan isku soo taagay musharixiinta kala ah Dayax Axmed Cali Cumar iyo Cabdiqaadir Abuukar Cabdi.

HOP#139: Waxa kursigaan isku soo taagay musharixiinta kala ah Cabdisamad Maxamuud Xasan iyo  Xamdi Shire Cali.

Goobjoog News