Axmed Cismaan Karaash iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland Oo Kulmay
Sheeko:Dalka
Madaxwayne Ku-xigeenka dwlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Garowe kulan kula qaatay guddiga gurmadka Abaaraha ee Puntland, oo dhowaan uu magacaabay maamulka Puntland.
Axmed Cismaan ayaa warbixino ka dhegaysatay guddiga Abaaraha , oo soo bandhigay qorshahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha ee saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada Puntland si gaar ah xoolaleyda.
Ugu danbayn Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladu ay u diyaar garowdo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha, isaga oo xusay in goleyaasha dowladdu ay mushaharaadkooda ay qayb ugu deeqi doonaan dadka Abaareysan.
Goobjoog News