U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Rooble iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Ee Qaramada Midoobay?

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha dowladda  Federaalka Soomaaliya   Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha  Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.

Mas’uulyiinta ayaa kawada hadlay arrimaha abaaraha dalka ka jira ee saamaysay , iyo gurmadka la gaarsiinayo dadkaas  abaartu ku habsatay  iyo isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Gudaha dalka ayaa  waxaa ka jira abaar baahsan oo si isku mid ah ugu dhufatay dalka, waxaana abaartu noqotay mid kuwada baahsan, waxaana kulankaan uu imaanayaa iyadoo Rooble uu diray baaq ku aadan u gurmashada dadka  Abaartu soo ridatay

Goobjoog News