U bood dhigaalka

Dardargalinta Gurmadka Abaaraha oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay maanta shir ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha, waxaana diiradda lagu saaray dardargelinta gurmadka la samaynayo.

Guddiga gurmadka ayaa waxaa ay warbixin siiyeen Ra’iisalwasaare ku-xigeenka, taas oo ku aadan sida ugu haboon ee loogu gurman karo dadka ay abaarto samaysay, iyadoo maalmihii tadagay dalka ay soo gaareen deeq Raashin kala duwan ah.

Waxaana ugu dambayn guddiga iyo Mahdi Guuleed  la isku raacay in muhiimad gaar ah la siiyo goobaha ugu daran ee abaaruhu ay dadka iyo duunyada ay saameeyeen, waxaana xusin mudan in Abaartu ay tahay mid dalka laga dareemay.

Guddiga ayaa waxaa dhowaan magaacabay Ra,iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya, waxaana waqtiyadii ugu dambeeyey dadka soo gaaray gargaar ka yimid dowladaha Suciidiga iyo Imaaraadka oo kasoo jawaabay baaqii Ra’iisulwasaaraha dalka.

Goobjoog News