U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Rooble iyo Muuse Biixi oo Khadka Kuwada Hadalay

Sheeko:Dalka

Ra’iilsawasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wadahada dhanka  khadka Taleefoonka wuxuu la yeeshay  madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu la wadaagay sida uu uga xun yahay musiibadii dhowaan dhacday ee ka dhalatay dabkii qabsaday suuqa Weyn ee Waaheen Hargaysa.

Waxaana wada hadalkaan uu kusoo aadayaa iyadoo maanta Ra’iisalwasaaraha kulan uu la qaatay ganacsada Soomaaliyeed iyo xukuumaddiisu ku bixiyeen yabooha lacag $3000,000, taas oo qayb ka ah gurmad loogu jiro sidii markale loo dhisi lahaa suuqa Waaheen oo gabi’ahaan ku baaba’ay dabka ganacsatana ay ku hanti waysay.

Sidoo kale waxaa uu maanta Rooble amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fasaxo lacag deeq ah oo$11,700,000 horay maamulka Farmaajo uga xayiray Somaliland sanadkii 2018-ka, kadib markii la isku fahmi waayey sida deeqaha ay usoo maraan dowladda federalka oo ay Somaliland ay dalbatay in si gaar ah loo siiyo.

Goobjoog News