Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo Howlgal Ka Sameeyay Hiiraan
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa midowga Africa ee AMISOM ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyeen degmada Buulo Burde ee goboka Hiiraan ee Hirshabeelle.
Howlgalka ayaa waxaa saraashii hoggaaminaysay ay sheegeen in lagu soo qabtay tiro dad ah, kuwaas oo la geeyay saldhigga degmada, waxaana saraakiishu ay sheegeen in howlgalkaan uu sii soconayo lagu xaqiijinayo amniga.
Dhamme Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta kadib howlgalka ayaa sheegay in laga sameeyey xaafadaha kala duwan ee degmada, waxaana uu u timaamay inuu sii socondoono maalmaha kale inta lagu jiro Ramadaanka.
Goobjoog News