Ergayga Arrimaha Abaaraha oo La Kulmay Guddiga Gurmadka
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2022/05/284083199_116182111097396_8504906007455506698_n-696x464-1.jpg)
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Beni-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Mudane Xildhibaan Abdirahmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha oo horay loo magacaabay.
Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa soo bandhigay xogaha la xariira abaaraha ku dhuftay dalka iyo saamaynta ay ku yeelatay guud ahaaan dalka, guddiga ayaa Ergayga la wadaagay sida ugu wax looga qaban karo abaarta baahsan ee saamaysay dadka iyo duunyada, maadama dalka roob uusan ka Di’in.
Ugu dambayn, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Beni-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, ayaa u mahad celiyey guddiga, isagoo ugu baaqay in ay wadashaqayn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.
Goobjoog News