U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ansixisay Sharciyo Cusub

Sheeko:Amniga

Golaha wasiirada maamulka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hindisa sharciyeedyada guddiga doorashada galmudug iyo ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Galmudug.

Kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Galmudug oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedyadaan oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) ayaa hor keenay golaha labada hindisa sharciyeed, kuwaas oo golaha uu codka aqlabiyad leh uu ku ansixiyay.

Labada sharci ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo baarlamaanka Galmudug si ay u siiyaan sharciyad rasmi ah, sida lagu sheegay kulanka golaha wasiirada.

Goobjoog News