U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Shirka Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho Ka Furmay?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka, kadib laba maalin caleemo saarkii madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka.
Shirkaan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah caalamkana heshiis la ah, waxaana diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda fedralka ah oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta dadka gudihiisa ah.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidi doonaan dhammeystirka dastuurka oo wali ah qabyo qoraal, xoojinta nidaamka federaalka iyo daadejinta , adkeynta amniga guud ee dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka heesgiga 2026-ka.
Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.
Goobjoog News