U bood dhigaalka

Maxay Wasiirada Yurub Uga Shirayaan Qamadiga (Sareenka)?

Kulanka ay dalka Luxembourg, ku yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka qaaradda Yurub, ayaa looga arinsaday sidii loo fududeyn lahaa malaayin tan oo qamadi ah kuwaas oo ku xayiran xeebaha dalka dagaalka uu ka socdo ee Ukraine.

Wasiirada ayaa sheegay in ay muhiim tahay sidii loo gaarsiin lahaa dalalka ay u socdeen maraakiibta sidda sareenka ku xayiran xeebaha xukuumadda Kyiv.

Ukraine oo kamid dalalka ugu isticmaalka badan qamadiga dunida, ayaa hadda la daalla dhaceyso iska caabinta ciidamada Moscow, oo weerar ku haya dalkooda.

Ruushka ayaa diiday in badda madow laga gudbiyo raashiinkaasn, xilli inka badan 20 milyan oo tan oo Qamadi ah ay ku xayiran yihiin dekedaha Ukraine.

Moscow ayaa sidoo kale dalalka Yurub sheegtay in ay qaadayaan mas’uuliyadda cuna yarida dunida, taas oo ka dhalatay cunaqabateynta ay reer galbeedka saareen dalkiisa.

Wasiirada Luxembourg, ku shiray ayaa iska kaashanaya sidii ay Putin ugu qancin lahaayeen in cunaqabatenyta uu ka qaado cunada adduunka.

Goobjoog News