U bood dhigaalka

Akhiriso: Maxaa Looga Hadalay Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Sheeko:Dalka
Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo maantaa yeeshay kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga Koowaad ayaa ansixiyay xubnaha guddiyada Aqalka sare oo ka kooban sideed guddi, waxaana kulankii maanta shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha aqalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyeen labadiisa ku-xigeen.
1. Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada.
2. Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta.
3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada.
4. Guddiga Difaaca iyo Amniga
5. Guddiga Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
6. Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka.
7. Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka.
8. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.
Kulamada kala duwan ee golaha aqalka ayaa si habsami leh u socda, kuwaas oo lagu habeynayo guddiyada kale duwan ee golaha, aqalka ayaana kasoo kabanaya doorkiisa dalka oo la lumiyay 3-dii sano ee ugu dambaysay ee taliskii Farmaajo oo aan wadashaqeyn buuxda la yeelan aqalka.
Goobjoog News