U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbland oo Dhoobley Ku Qabtay Kulan Looga Hadlayay Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo muddooyinkii dambe safar shaqo ku jooga degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose  ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya amniga degmada iyo kan gobolka.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinayay kulanka wasiirka Amniga Jubbaland Gen: Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Guddoomiyaha maxkamadda sare Cabdishakur Sheikh Maxamed Rashiid, Xeer ilaaliyaha guud Maxamed Sheekh Cusmaan, Guddoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan,
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil  ciidamada xoogga dalka , waxaana kamid ahaa taliyaha guutada 11-aad qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka  Jubbaland ee ku howlgala degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.
Madaxweynaha ayaa sarakiisha ka dhagaystay warbixinta xaalada amniga Degmada iyo deegaanada ku xeeran.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa darajada labo xidigle u dalacsiiyay sargaalad Miski Maxamed Cali oo katirsan Ciidamada booliska Degmada kadib shaqo wanaageeda iyo Sida hufan ee ay ugu adeegto bulshada.
Goobjoog News