Nigeria: Nin Sheegay In Nabi Ciise Uu Imaanayo Bisha April oo La Xiray
Sheeko:Arrimaha Amniga
Booliiska Ondo ee dalka Nigeria, ayaa xabsiga u taxaabay nin baadari ah oo maamulayay kaniisad ku taalla gobalka Ondo, kadib markii kaniisadda laga soo saaray dad u cabadan caruur iyo haween kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jiray baaderiga.
Baadarigaan ayaa loo xiray kadib markii dadka uu u sheegay in nabi Ciise uu imaanayo bisha April ee aan soo dhaafnay, taas oo sababtay in ay dadka ay dacweeyaan.
Ninka ayaa sidoo kale sheegay in maadama uusan i maan bisha April uu filayo in uu imaado bisha September ee sanadkaan 2022.
Dhacdadaan ayaa waxaa booliiska la wadaagay haweeney kamid ahayd dadka loo sheegay beenta.
Goobjoog News