Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo Shacabka Muqdisho La Tukaday Salaadda Ciidda
Sheeko:Dalka
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2022/07/292757485_422445459926599_4979314192472384980_n.jpg)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha dowladda federalka Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda Adxaa masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, madaxweynaha ayaa salaadda kadib la hadlay shacabka.
“Masjidkan oo dhulka laga hirgaliyayay ay dowladdu bixisay; waxaan rabaa in aan u mahadceliyo dadkii soomaaliyeed ee dhaqaalahooda galiyay, sida tabarucaadda ahna u dhisay, tanina waa astaan wanaagsan oo muujineysa sida dowlad iyo shacabba aan mas’uuliyadda isaga saareyno diinteenna suubban. Waan ilaalinaynaa, waan dhowreynaa; wixii horumarinaayo diinta ayaan sameyneynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hadlay kadib salaadii ciida.
Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo, gaar ahaan farxadda ciidda oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey shacabka in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada ka soo horjeedda dowladnimada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay, isaga shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in guud ahaan sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay![May be an image of 1 person, standing and indoor](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292658423_422445753259903_576901975919907159_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=xa30v3dgOCIAX-zLzuS&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT8D-Den06NcogWgv6jJZXuk3Cwo7hiETxtFHlXz4t0IIQ&oe=62CE44A4)
![May be an image of monument](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292849776_422445519926593_4786335975393123771_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=fD37TgNkMaUAX_fPqU0&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT_eXUjcynfR4L8X-cEm4xdMP8oe9x21rHRTuzQzb1rHtA&oe=62CD805B)
gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.
![May be an image of 1 person, standing and indoor](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292658423_422445753259903_576901975919907159_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=xa30v3dgOCIAX-zLzuS&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT8D-Den06NcogWgv6jJZXuk3Cwo7hiETxtFHlXz4t0IIQ&oe=62CE44A4)
![May be an image of monument](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292849776_422445519926593_4786335975393123771_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=fD37TgNkMaUAX_fPqU0&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT_eXUjcynfR4L8X-cEm4xdMP8oe9x21rHRTuzQzb1rHtA&oe=62CD805B)
![May be an image of 8 people, people standing and indoor](https://scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292757485_422445459926599_4979314192472384980_n.jpg?_nc_cat=105&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=IJEXFU7TIE4AX_fdqlk&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&oh=00_AT-r_KIL6KbgLyghZiUfeuCTLlOwmdntcPlRY8FPZ2VHBA&oe=62CE0D6F)
![May be an image of 8 people, people standing, suit and outdoors](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292877266_422445209926624_7777622962483104076_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=3cUJ_7u1IXkAX-jzdAx&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT9Xchia6BMiRPXEIA45WsdaVBz6WAPVTEou-SS2Q_DHtA&oe=62CE56E8)
![May be an image of one or more people, people standing and indoor](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292719735_422445569926588_8724971016049216916_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=gvB270spiGYAX_V-6rq&tn=idFlvZ8sc-kohY7f&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT9niruS0x_rYJjzb17i-Ji5xMAEUhHnB89rgmF96d7RSw&oe=62CDF1C3)
![May be an image of 3 people, people standing and indoor](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/293036574_422445176593294_6359516873469199766_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=mNgjv7syRVwAX8iH4PM&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT9ADTu53wNChrul3P3C9IZEyXEkF2ykRBDndgsfYLn4kg&oe=62CE5C8E)
![May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292746778_422445243259954_2849415624399733131_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=RsRBHfZfbpMAX-GMmde&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT9aUXcAVGFcRG1zBpNUFf_pqqKLXcGZnXDpPoKTPFthFw&oe=62CF5267)
![May be an image of 10 people, people standing and indoor](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292698360_422445239926621_1766453247434298454_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=Ic2yZwrwy5cAX87yqGr&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT_jPCjNqBiUSdRUa2bFwsRKFj2VsjzSSdFxLXPAyYTRtQ&oe=62CE8EFE)
![May be an image of 8 people and people standing](https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/292722760_422445143259964_4778238431488012964_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=730e14&_nc_ohc=5BkJvpu8RnkAX8E5EtO&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT_FNj0kzwaEWTU8Nm8OEOW8J_hYKfnu_jXX69XzbYjuaA&oe=62CE6B01)
Goobjoog News