U bood dhigaalka

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo Shacabka Muqdisho La Tukaday Salaadda Ciidda

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha dowladda federalka Xamse Cabdi Barre  ayaa shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda Adxaa masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, madaxweynaha ayaa salaadda kadib la hadlay  shacabka.
“Masjidkan oo dhulka laga hirgaliyayay ay dowladdu bixisay; waxaan rabaa in aan u mahadceliyo dadkii soomaaliyeed ee dhaqaalahooda galiyay, sida tabarucaadda ahna u dhisay, tanina waa astaan wanaagsan oo muujineysa sida dowlad iyo shacabba aan mas’uuliyadda isaga saareyno diinteenna suubban. Waan ilaalinaynaa, waan dhowreynaa; wixii horumarinaayo diinta ayaan sameyneynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda oo  hadlay kadib salaadii ciida.
Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo, gaar ahaan farxadda ciidda oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey shacabka  in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada ka soo horjeedda dowladnimada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay, isaga  shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in guud ahaan  sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ayMay be an image of 1 person, standing and indoorMay be an image of monumentMay be an image of 8 people, people standing and indoor gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.
May be an image of 8 people, people standing, suit and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 10 people, people standing and indoor
May be an image of 8 people and people standing
Goobjoog News