Maamulka Jubbaland iyo Mareykanka oo Kawada Hadlay Dagaalka Al-shabaab
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo isaga iyo wafdiguusu ay maanta gaareen magaalada xarunta kmg u ah maamulka Jubbaland.
Wafdiga safiirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa madaxa hay’adda USAID ee Soomaaliya iyo sarakiil sare oo ka socotay howlgalka Maraykanka ee Africom, waxaana kulan ay la qaateen madaxweynaha inta badan diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la dagaalanka Al-shabaab iyo arrimaha abaaraha.
Waxaa sidoo kale kulanka looga wada hadlay dhinacyada hormarka, dib u dhiska arimaha gobolka geeska afrika iyo guud ahaan xaaladda dalka. Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay shaqo abuurka dhalinyarada kasoo noqonaysa xeryaha qoxootiga iyo kuwa gudaha ku barakacay.
Goobjoog News