U bood dhigaalka

Maxaabiis Toogasho Ku Xukunnaa oo Ka Baxsatay Xabsi Ku Yalla Gaalkacyo

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa maxaabiis ka baxsatay xabsiga ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, maxaabiistaan ku xirnaa xabsiga ayaa waxaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxaana tiradooda lagu sheegay ilaa 3 maxaabiis, kuwaas oo ku jiray qeyb xabsiga kamid ah.

Raggaan ka baxsaday xabsiga ayaa waxaa la sheegay in ay jabiyeen qolkii ay ku xirnaayeen, waxaana saraakiisha ammaanku ay shaaca ka qaadeen qaar kamid ah magacyadooda, 1: Xasan Isaaq Maxamed,2:Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo Liban Ciise Cali (Madax-kariye, oo lagu eedeeyay qarax ka dhacay Gaalkacyo.

Booliiska Dowlad goboleedka Puntland ayaa qoraal uu baahiyay waxaa lagu sheegay in qofkii soo sheegay maxaabiistaas la siinayo abaalmarin lacageed oo gaaraysa $2000, maamaadaama raggaan baxsaday horay maxakamadda ciidamada Puntland ay ku xukuntay xukun dil ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay ciidanka.

“Qofkii soo sheega dhagar qabayashaas waxaa loo balan qaadayaa abaal marin dhan midkiiba $2.000 oo dollar sido kale waxa lo balan qaadayaa inaysan cidkale ogaaneyn ruuxa soo sheega,” ayaa lagu yiri qoraal ciidanka Booliiska ee ku aadan raggaan baxsaday, waxaana socda baaritaanno lagu baadi goobayo maxaabiista.

Goobjoog News