U bood dhigaalka

Puntland: Wasiirka Caafimaadka oo hortagaya Baarlamaanka

Sheeko:Amniga

Wasiirka Caafimaadka dowlad gobaleedka Puntland Jaamac Faarax Xasan , ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu hortago mudanayaasha golaha wakiilada Puntland.

Xildhibaannada oo maanta kulan koodii caadiga ahaa ku leh xarunta golaha wakiilada ee magaalada Garowe, ayaa waxaa ay warbixin ka dhageysanayaan wasiirka caafimaadka Puntland.

Jaamac Faarax Xasan iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa lagu wadaa in ay saaka oo Sabti ah warbixin ku saabsan howlaha wasaaradda ay qabatay ay siiyaan xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay su’aallo ka waydiiyaan mashaariicda wasaadda caafimaadka ee dowlad gobaleedka Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa ah golaha wakiilada ah ee keliya la xisaabtama xukuumadda, halka maamulada kale aan looga yeerin mas’uuliyiinta kale baarlamaanka.

Goobjoog News