U bood dhigaalka

Ciidamada Xoogga oo Howlgallo Ka Sameeyay Deegaanno Ka Tirsan Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanayay koox burcad ah oo jilgooyo dhigtay waxaa ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, kooxdaan ayaa dadka safarka ah ku dhibijiray, ciidanka ayaa sidoo kale howlgal kale  ka sameeyay wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee isla gobolka.

Howlgalkaan ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa sidii kooxaha burcadda looga sifeyn lahaa wadooyin oo marin muhiim u ah dadka u kala safaraya Koonfurta iyo iyo Waqooyiga Soomaaliya, waxaana howlgalkaan hooggaaminaayay Abaanduulaha ururka 3-aad qeynta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee deegananada Hirshabeelle Gaashaanle Ismaaciil Kuulow Toorey.

Taliyaha ayaa sheegay in ay howlgalladaan sii wadi doonaan inta ay kasoo afjarayaan  kooxdaan burcada ah ee caadeysatay in marweliba ay jid gooyo dhigtaan wadooyinkaan isku xira magaalooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahadaay oo marin muhiima u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka u kala safraya maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo maamulka kale ee Galmudug.

Qaar kamid ah Darawallada iyo Dadka ku safraya wadadooyinkaas oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyay howlgallada ay wadaan ciiidanka xoogga dalka ee lagu baacsanayo kooxda burcadda ah, iyagoo intaas ku daray  howlgalku intii uu socday aysan la kulmin wax dhac ama isbaaro loo dhigtay gaadiidka iyo shacabka ku safara wadada oo isticmaala.

Dadka Shacabka ah ee ku safra wadooyinkaas ayaa mararka qaar waxaa ay sheegaan in ay dhac ay kala kulmaan kooxo maleeshiyaad ah iyo kuwa kale oo ku la bisan dareeska ciidanka xoogga dalka, waxaana dhowr jeer ka dhacay dhac iyo dil loo geystay dadka ku safraya wadooyinkaan oo marin u ah dadka iyo gaadiidka u kala safraya gobollada dalka marin u tahay.

Goobjoog News