Ergayga Abaaraha, Madaxa USAID iyo Danjireyaasha Kale oo Kawada Hadlay Abaaraha
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa ugu sarreeya hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, Danjire Samantha Power iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.
Mas’uuliyiintaan oo wadajir u shir guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha Abaaraha Soomaaliya oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.
Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.