U bood dhigaalka

Ergayga Abaaraha, Madaxa USAID iyo Danjireyaasha Kale oo Kawada Hadlay Abaaraha

Sheeko:Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa ugu sarreeya hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, Danjire Samantha Power iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.

Mas’uuliyiintaan oo wadajir u shir guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha Abaaraha Soomaaliya  oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

 “Waxaan u mahadcelinayaa,Waxayna ku dhawaaqdey 476 milyan oo deeq dheeriya ah taas oo ka dhigeysa tirada lacagta guud ee Mareykanku ku deeqay Soomaaliya sanadkaan 668 Milyan. “. Samantha ” Oo sidoo kale sheegtay in dowladdeedu ay dedaal ku bixineyso u qareemidda Gurmadka Abaaraha Soomaaliya” ayey turi Samantha Power, madaxa hey’adda USAID.

Danjirayaasha  ayaa dhankooda ka warbixiyay deeqaha ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo muujiyay sida ay u daneynayaan sii xoojinta dadaallada ku aaddan gurmadka abaaraha, maadaama abaarta jirta maalinba maalinta ka dambayso ay sii kordhi saamaynta ay ku yeelatay dadka iyo duunyada, taas oo gaartay xilli walaac laga muujiyo in ay isku bedesho xaalad macluul.

Ergeyga Ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka deeqda ay kordhiyeen, isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka, wuxuu kale ergeygu uga mahad celiyay Danjire Samantha Power, booqashada ay ku timid Soomaaliya, taasoo indhaha caalamka ku soo jeedineysa mushkiladda Abaaraha ee ka aloosan waddanka.

Ergeyga  ayaa sidoo kale ku ammaanay dhammaan waddamada shirka kasoo qeyb-galay taakuleynta macnaha leh ee ay ka geysteen abaarta xun ee ka taagan waddanka, isagoo ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha ay ku bixinayaan gurmadka Abaaraha, waxaana  ugu dambeyn shirka ka codsaday gacan ka geysashada fududeynta xawilaadda lacagaha si ay qurba-joogta ugu sahlanaato door ka ciyaarista samata bixinta.

Goobjoog News