U bood dhigaalka

Xasan Sheekh oo Masar u duulay

Madaxweynaha jamhuuriyada  federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambobaxay magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay Qahira kula kulmaan madaxda ugu sareysa dalka Masar, iyaga oo kawada hadlidoona xoojinta xiriirka labada dal, amniga, siyaadda, dhaqaalaha, la dagaalanka argagixisada iyo dib usoo celinta xiriirka diblumaansiyadeed ee ka dhaxeeya  labad dal.

socdaalka Madaxweynaha ayaan kadib markii uu booqasho ka helay dhiggiisa Masar Cabdifitaax Al-siisii,waxaan labad dal lagu wadaad in ay xaliyaan madmadowga soo kala dhax galay labad dhinac.

Shantii sano ee tagtay ayaay ahayd markii uu mugdi ku bilawday xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kadib markii Soomaaliya ay masar kala safatay dalka Itoobiya, muran ku saabsan biyaha wabiga Nile.

Xukuumaddii hore ayaa sheegtay in ay si toos ah u garab taagan tahay Itoobiya oo ay Masar isku haystaan biyaha wabiga Nile.

Sikastaba labada dhinac ayaa ah kuwa iskugarab taagan hanaanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimo kale oo badan, waxaana dib loo bilaabi doona kawada shaqeynta labada dan ee shacabka Masar iyo Soomaaliya.

Goobjoog News