U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Guddoomiyay Shir Amniga Looga Hadlay

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee dowladd goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku shir gudoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto, Shirkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland iyo Saraakiil.

Waxaana looga hadlay xaaladda amniga guud ee Jubbaland iyadoo warbixino looga dhageystay Taliyayaasha qaybaha kala duwan ee Ciidanka, kulankaan amniga looga hadlayey ayaa waxa uu yimid xilli lamaha amniga Jubbland iyo kuwa Xoogga dalka kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab kaas oo ay ka fulinayaan Gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbland ayaan wali ku guulaysan gaaritaanka magaalada caasimadda u ah maamulka ee Bu’aale, waxaana weli ay gacanta ugu jirtaa Al-shabaab oo ku sugan deegaanno iyo degmooyin dhaca goboollada Jubbooyiinka iyo Gedo, iyadoo marar badan maamulku wacad ku maray in ay gaari doonaan magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe.

Goobjoog News