Tababar Socday Muddo Laba Isbuuc Ah Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Mudane Saciid Cabdulaahi Calsoow, ayaa maanta tababar u socday muddo labo todobaad ah u soo xiray tababarayaasha hoggaaminta Maxaliga, ee maareeynta khilaafadka iyo dhiirrigalinta haweenka, leh hanka ka kheybgalka Dowlahaha hoose, Waxaana ka Qeygalay tababaryaal iyo Mas’uuliyiin ka socday. dowlada heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed xubnaha ka mid ah maamulka gobalka Banaadir.
Maareeyaha Machadka Dowladda hoose ee Xamar Cumar Faaruuq Cabdullaahi oo ka hadlay munaasbada lagu soo xiray tababarka, ayaa yiri “ Waxaan kula dar-daarmayaa tababarayaashi ka Qeybgalay tababarka inay si sax ah u gaarsiiyaan dadka ay ka soo tageen Cilmigay barteen”. Ayuu yiri; Cumar Faaruuq.
Agaasimaha Macadka Qaranka ee Dowladda hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Maxamed Caalim, ayaa sheegay tababarka ay qaateen tababaryaasha muddo 15 cisha ah in uu faa”iido u leeyahay dadkii ka Qeybgalay.
Agaasimaha guud ee Wasaradda Arrimaha Gudaha Feredaalka iyo Dib U Heshiisiinta,ayaa Mudane Saciid Cabdullaahi Calsoow aya yiri “ waxaan u mahadcelinayaa Macaliintii tababarka bixisay, tababarayaashii diyaarka u ahaa inay halkaan Cilmi ka bartaan,Waxaan ka rajaynaa Cilmigay halkaan ka barteen inay ugu adeegi doonaann bulshaday ka yimideen” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaradda Arrimaha Gudaha Feredaalka Mudane Saciid Cabdullaahi Calsoow
Gabagabadii Munaasbada waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay dadkii Qaatay Tababarka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Feredaalka Dib U Heshiisiinta, tababarkaan ayaa waxaa sigaar ah uga faaiideystay mas’uuliyiin ka kale socday dowladda federalka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.
Goobjoog News