Akhriso:Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub iyo Duqa Caasimadda Sheekh Yuusuf Xuseen Madaale
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa markii labaad guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa caasimadda u magacaabay Shiikh Yuuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, kaas oo horay ula soo shaqeeyay madaxweynaha. October 26, 2015, ayaa horay loogu magacaabay guddoomiyaha gobolka, isaga oo bedelay Jeneral (Muun-gaab).
Madaxweyne Xasan oo markii labaad loo doortay inuu hoggaamiyo Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya 15-kii May 2022 ayaa markale ku dhawaaqay inuu caasimadda duqeeda uu noqdo Yuusuf Madaale, waxaana lagu xasuustaa mashuruucii lagu dhisay wadooyin badan oo caasimadda ah 1 Dollar dalkaaga ku dhiso, hadda waxaa uu badalayaa Cumar Filish.
Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa in muddo ah Qaahira ku noolaa, ka hor inta uusan soo gaarin dalka, isaga oo halkaas waxna ku soo bartay Masar inta aan loo magacaabin guddoomiyaha gobolka Banaadir sanadkii 2015-kii, iyado oo wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan xilka looga qaaday Muungaab.
Sheikh Yuusuf, waxaa la bartay doorashadii Xasan Sheekh, Xilligii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii 2012, xilligaas waxaa uu hogaamiyaney Ololaha isagoo si rasmi ah ula hadli jiray Idaacadaha iyo guud ahaan Warbaahinta. Xibsiga Madaxweynaha ee Peace and Development Party(PDP) waxaa uu Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ka ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga .
Intii uu Xisbiga u ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga isaga iyo Mas’uuliyiin badan oo xisbiga ka tirsan waxaa ay tababaro iyo iskaashiyo kala la yeesheen Xibsiga haya talada wadanka Turkiga ee AK Party.
Sheikh Yuusuf waxaa jagadan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa horay u codsaday markii la doortay Madaxweynahe Xasan Sheekh September 2012kii, Lakin jagada waxaa uga hormaray Maxamuud Axmed Nuur-Baadi oo loo yaqaan Tarzan oo jagadaasi sii hayey min July 13, 2010kii oo aheyd Xasan Sheekh ka hor iyo Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo loo Magacaabay duqa Magalaada iyo Guddoomiyaha gobolka February 27, 2014.
Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu kasoo jeeda gobolkan Banaadir, wixii ka dambeeyay 1998dii, waxaa uu degan yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar halkaas oo ilaa iyo hadda qoyskiisa ku noolyihiin.
Waxbarasho waxaa uu ku jiray dalka Masar intii u dhaxeysay 1999-2006, isagoo ka bilaabay dugsiga dhexe ee Azhar, kadibna dhameystay 3-da sano ee dugsiga sare ee Isla Taanawiga ama dugsiga sare ee Azhar.
Waxaa kaloo uu qalin jabiyay Jaamacadda Furan ee Mareykanka ee dalka Masar(American Open University in Cairo)2006-dii, isagoo ku taqasusay Shareecada Islaamka.
Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu aad ugu dhawaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisa isagoo noqday Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xariirka Caalamiga ., waxaa uu horkici jiray dibad baxyada lagu taageerayo murashaxnimada.
Ardeydii la daganeyd muddo dheer Degmada ardayda ee Madiinat El-Bucuus Al-islaamiya eeAl-Azhar ama dadkii ku yaqaanay Radiyaha Umadda waxaa ay sheegeen in uu ahaa nin degan oo aan hadal badneyn.
Magaalada Muqdisho oo Sheekh Yusuf Mas’uul looga dhigay waxaa degan in ka badan 2 Milyan oo qof, adeegyada ay u baahan tahay tirada ayey ka bateen, waxaa hubaal ah in magaaladan u baahan tahay qof hadal yar oo howl badan.
Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa maanta October 26, 2015 loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho.
Shiikha ayaa waxaa markale xilkaan loo soo magacaabay 7 bisha Setember 2022, waxaana laga sugyaa wax qabad badan isaga oo magacaabistiisa kadib la hadlay shacabka ayuu ugu baaqay sidii loogu istaagi lahaa baadi goobka maqaamka caasimadda oo madax badan oo ka horeysay ay ku guul dareysatay.
W/Q/ Cabdicasiis Axmed Gurbiye