U bood dhigaalka

Al-shabaab oo gubay guryo ku yaalla deegaan hoostaga degmada Maxaas

Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaawaxaa ay shegayaan in Al-shabaab ay gubeen guryo ku yaalla deegaan hoostaga degmada Maxaas oo lagu magacaabo  Ceel-jiiqoow, waxaa sidoo kale ay miino ku xireen ceel biyood  kaliya ay dadka iyo  duunyada ay biyaha ka cabijiyeen, warar kale duwan ayaa kasoo baxay xaaladihii ugu dambeeyay deegaanka.

Al-shabaab ayaa waxaa lagu soo waramayaa ka hor inta aysan gubin deegaanka ay dadka ku amreen in ay isaga baxaan, kadib iyaga oo dab qabasiiyay, Al-shabaab ayaa dhowaan sidaan oo kale u gubay tuulooyin hoostaga deegaanka Teedan, waxaana ay noqoneysaa markii labaad oo dhacdadaan ay ka dhacdo deegaan hoos taga degmada Maxaas ee gobolkaas.

Dhacdadaan ka dhacday deegaanka Ceel-jiiqoow ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo ciidanka dowladda federalka ah iyo kuwa  deegaanka ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay kawadaan deegaannada u dhaxeeya Maxaas iyo Matabaan, iyadoo ay jirto in dhowaan Al-shabaab ay gubeen gaadiid ka baxay magaalada Baladweyne oo kusii jeeday degmada Maxaas GH.

Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanayo ayaa howlgallo waxaa ay ka wadaan gobollada Hiiraan, Bay iyo Galgaduud, kaas oo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay ciidan la sheegay dowladdu ay geysay Galgaduud, kuwaas oo u jeedkooda lagu sheegay in ay ku wajahan yihiin degmada Ceelbuur  oo ka tirsan gobolka.

Goobjoog News