Ciidanka Booliiska Howlgallo Ka Sameeyay Muqdisho iyo Guddoomiye Madaale oo Ka Hadlay
Ciidamda Booliiska dowladda federalka ah ee Soomaaliya, oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo ka dhan aha ciyaal weerada iyo maandooriyaha, ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen nuucyo badan oo kamid maandooriyaasha oo lagu qabtay howlgalka intii uu ka socday qeybo kamid ah Muqdisho.
Howlgalkaan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay habeennimadii xalay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, gaar ahaan aaga isgoyska Fagax, howlgalka markii ciidanku ay soo gabagabeeyeen waxaa goobta lagu soo bandhigayay ka hadlay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale madaale, isaga oo digniin diray.
” Waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed ee magaaladaan degan, ma aqbali doonno, in ma ay aragtay magaaladaan magaalo fasahaad noqoto ma aqbali doono, kuwa ciyaal weerada ah, kuwa ciyaal weerada ah ee isbiirsanaayana, haddii Allah yiraado go’aano cadcad ayaan ka gaari doonnaa, tallaabo loo dhan yahay ayaa laga qaadi doonaa” ayuu yiri.
“Sidaas si lamid ah kuwa Calaqa iyo muqaadaraadka nuucyadeed kale duwan magaalada soo gelinaayo iyo kuwa iibinaayo iyo kuwa cunaayo ama cabaayana islamid waaye, arrin loo dulqaadan doono maahan, waa sidii loo bilaabay inta la bilaabay lagama istaagi doono, waxaan leenahay wax kale aad ka gacansato ayaa badan” ayuu yiri Madaale isaga oo sii hadlaya.
Howlgalladaan laga fuliyay magalaada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo Ciyaal weerada ay dhibaato badan ku haayaan shacabka caasimadda, ciidanka ayaa sidoo kale dhowr jeer sameeyay howlgallo maandooriyaha iyo dadka iibiya ka dhan ah, ciidanka Booliiska ayaa marar badan soo bandhigay waxyaabo kale duwan oo lagu soo qabtay.
Goobjoog News