U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland oo Ka Shiray Amniga iyo Qaadista Howlgallo Ka Dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Ugu horayn Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay waxyaabahii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga ee Magaalada Muqdisho dhawaan kusoo gaba gaboobay oo qodobada kasoo baxay ay kamid ahayd dardar galinta dagaalada Al-shabaab.
Golaha ayaa falanqayn dheer ka yeeshay abaabulka bulshada iyo dowlada ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab sidii loo dardar galin lahaa iyadoo la kaashanayo bulshada, Waxaana la dhisay guddiyada ka shaqayn lahaa howshaas oo kala ah.
1. Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Al-shabaab iyo  Horumarinta Amniga deegaannada kale duwan Jubbaland.
2. Guddiga Taakuleynta & Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Al-shbaab & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.
3. Guddiga Abaabulka & Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Al-shabaab& Horumarinta Amniga Deegaanada Jubbaland.
Guddiyadan waxaa ay ka kooban yihiin laamaha kala duwan ee Dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u howlgalaya.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo deegaanno dhaca dowlad goboleedyada kale ay ka jiraan howlgallo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeedo Al-shabaab, kadib isabaabul iskood ah.
Goobjoog News