U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degmada Cadalle

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa gaaray magaala xeebedka gobalka Cadale ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyay degmada Cadale mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qaar kamid ah ciidamada halkaas ku sugan.

Madaxweynaha ayaa magaalada kulama kula qaadan doono dadka deegaanka iyo maamulka degmada, waxaana la filaya in uu sidoo kale kulama la qaato ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa dowladda ee ka wada deegaanka howlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab.

Goobjoog News