U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deeganno hoostaga Balcad

Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanayo ayaa waxaa ay ururka alshabaab kala wareegeen deegaanno hoostaga degmada Balcad ee gobalka shabeellaha dhexe.

Deegaannada ay ciidamada Al-shabaab kala wareegeen ayaa waxaa kamid ah deegaanka Shanlow Mareerey, Maqdas Baaney Haawaay Buulo-doonka Kooreeba bari oo hoostaga gobalka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa sidoo kale intii uu howlgalka socday waxa ay gacanta ku soo dhigeen shan xubnood oo kamid ah ururka alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay qaraxyo ka soo saareen deegaannada ay ciidamada kala wareegeen ururka Al-shabaab.

Goobjoog Newss