U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Dil Toogasho ah Ku Fulisay Rag Shabaab Ka Tirsanaa

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay eedeysanayaasha kala ah Shucayb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Cabdi Jabaar Cumar, kuwaas oo lagu eedeyay in ay dilal ka gaysteen Xamar.

Labada eedeysane ayaa magacyadooda afgarashada ee kooxda shabaab ay kala ahaayeen Axmed & Qoono, waxaana alshabaab ay kamid ahaayeen tan iyo sanadkii 2014-kii.

Maxkamadda ayaa labadaan eedeysane sanadkii 2019-kii ku xukuntay dil toogasho ah, waxaana lagu fuliyay maanta oo Isniin ah taariikhduna ay tahay 24 October 2022.