U bood dhigaalka

Taliska Hey’adda NISA oo Muqdisho kulan kula qaadatay dhowr wasaardoo iyo shirkado

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan looga hadlayay sidii loo joojin lahaa maalgalinta ururrada lagu tuhmo  Argagixisanimada, waxaana kulankaan kasoo qeyb galay taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed iyo dhowr wasaradood kale duwan.
Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda sida Bangiyada iyo Xawaaladaha dalka ka jira iyo Wasiirada Maaliyadda, Ganacsiga, Cadaaladda, xeer-ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Agaasimaha Xarunta FRC iyo Taliyaha NISA ayaa ka qeyb galay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi M. Nur oo ahaa shir-guddoonka kulanka ayaa sheegay in ay si adag uga wada-hadleen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaqaalohooda siguud loowada difaaci lahaa.
Goobjoog News